Tuesday, December 10, 2024

DEGDEG: Dagaal u dhaxeeya ciidamada huwanta iyo Alshabaab oo ka socda Camaara

Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu mar kale maanta ka qarxay duleedka degaanka Camaara.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada huwanta ee ka kooban cidiamada dowladda Federaalk, maamulada Galmudug iyo Puntland oo ay wehliyaan ciidamo ajnabi ah oo la sheegay inay Mareykan yihiin.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Camaara ayaa sheegay in dagaalka ay qaadeen ciidamada huwanta oo shalay dib uga soo laabtay duleedka Camaara markii koox ka tirsan Alshabaab ay jidgooyo u dhigeen.

Ad

Dagaalkan ayaa ujeedkiisu yahay in magaalada Xarardheere looga qabsado kooxda Alshabaab, waxaana goobta dagaalku ka socod ay Xarardheere u jirtaa in ka badan 75 KM.

Maleeshiyo ka tirsan dadka degaanka ayaa la sheegay inay ku biireen dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee Xarardheere ku wajahan.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON