Wararka laga helayoKoofurta Gobolka Mudug  ayaa sheegaya inuu dagaal qaraar ka socdo degaanada Caad iyo Ceel-cabdi ee degmada Xarardheere, dagaalka ayaa u dhexeeya Ciidamada Maamulka Galmudug iyo Al-shabaab.
Degaanka dagaalku ka socdo waxaa hore gacanta ugu hayay kooxda Alshabaab oo muddo dheer maamuleysay, waxaana  weerar ku qaaday ciidamada Milateriga ee ku sugan Galmudug, iyadoo lasoo weriyay in dagaalku dhowr meelood ka socdo.
Muddooyinkii danbe maamulka Galmudug ayaa degmada Xarardheer degaano ka tirsan geeyay ciidamo ay dooneyso inay dib u qabsato degmada muhiimka ah ee Xarardheere oo xarun u ah burcad badeeedka ayna gacanta ku heyso Alshabaab.
Qasaaraha dagaalka ayaan weli soo bixin iyadoo dagaaladu weli socdaan, waxayna dadka degaanka ku warrameen in hubka waaweyn la is weydaarsanayo.
Goobjooge.com