Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya dagaalo qaraar ay ka socdaan degaano ka mida Gobolka Shabeelaha hoose, kadib markii ay ciidamo iskaashanaya ay weeraro ku ekeeyeen.
Ciidamada AMISOM, milateriga iyo nabadsugidda Soomaaliya ayaa weerar kedis ahaa kula qaaday saaka degaanada Bariire, Sabiib, Malable iyo Daarusalaam oo dhammaantood la sheegay inay la wareegeen ciidamada iskaashanaya.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Alshbaab ay isugu tageen Awdheegle, halkaasoo dagaalku ka socdo. Degaanka Bariire ayaa ahaa fariisin ay Alshabaab weerarada uga soo qaadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Weerarkan oo ahaa mid si weyn loo qorsheeyay ayaa qasaare badan dhaliyay iyadoo aanay labada dhinac wax war ah ka soo saarin.
Goobjooge.com