Friday, June 13, 2025

DEGDEG: Dagaal culus oo ka qarxay Magaalada Cadaado, Galmudug

Wararka hadda soo dhacay ee laga helayo magaalada Cadadao oo xarun u ah maamulka Galmudug ayaa sheegaya inuu halkaasi ka qarxay dagaal culus oo saameyn ku yeeshay magaalada Cadaado.

Dagaalka  oo ka socda bartmaha Cadaado ayaa si xoog leh ku bilowday, waxaana la isku weydaarsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo aan la ogeyn cidda dagaalameysa iyo sababta ka dambeysa midna.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dagaalku ka dhashay markii ay isku dhaceen ciidamada Milateriga Soomaliya iyo maleeshiyo beeleed taabacsan maamulka Galmudug.

Ad

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya Cadaado ayaa sheegaya in dagaalku yimid kadib markii ciidamada maamulka Galmudug  ay weerar ku qaadeen saldhigga  Kafaalo ee ciidamada ciidanka Millateriga 21-aad ee ku sugan magaalada Cadaado oo xiligaasi loo qeybinayay mushaar.

Ma aha markii ugu horeysay ee dagaal noocan ah oo ka dhashay  mushaaraad la qeybinayo uu ka dhaco magaaladaasi, waxaana jira qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON