Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Miino wadadda la geliyay ay ku qaraxday gaari BL ah oo saaka marayay degaanka Lafoole ee degmada Afgooye.
Qaraxa qabsaday gaariga ayaa sababay inay dad badan ku dhinteen, wararka hordhaca aha ayaa sheegaya in dadka ku dhintay qaraxa ay gaarayaan ilaa 6Â ruux, isla markaana uu jiro dhaawac fara badan.
Gaariga qaraxa qabsadaya ayaa  ka tegay magaalada Muqdisho, wuxuuna ku sii jeeda degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dadka waxyeelada soo gaartay ayaa ahaa dad rayid ah oo gaariga la socday markii qaraxu qabsaday,  waxaana loo qaaday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Goobjooge.com