Wednesday, February 19, 2025

DEGDEG: Dab xoog leh oo ka kacay Suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho

War hadda soo dhacay ayaa  sheegaya inuu dab ka kacay suuq labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa la sheegay inuu qabsaday Suuq Bacaad oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, iyadoo uurada iyo holaca laga arkayo qeybo ka mida magaalada.

Sababta dhalisay Dabka ma cadda waxaana la sheegay inuu ka bilowday qeybta Sarifka ee Suuq Bacaad.

Ad

Dadaallo lagu deminayo dabka ayaa durba bilowday, iyadoo gaadiidka dab damiska ay xilligan gaareen halka dabku ka socdo.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dabka ka socda Suuq Bacaad uu sii xoogeystay, inkastoo ay la tacaalayaan gaadiidka Gurmadka degdega ee dab-damiska maamulka Gobolka Banaadir.

Dabka ayaa markiisii hore ka kacay qeybta Dharka lagu iibiyo, isagoo kadib ku faafay Qeybaha kabaha iyo Sarifka. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in Dabku uu mar kasta kasii darayo, xaaladuna ay kacsan tahay.

- Advertisement -

Ganacsato iyo dadweyne badan ayaa Suuqa ku qulqulaya iyadoo aan la kala garaneyn dadka u socda badbaadinta hantidooda iyo kuwa kale.

Wararkii ugu danbeeyay Dab Qasaare geystay oo qabsaday Suuq Bacaad [Sawirro]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON