Saturday, May 17, 2025

DEGDEG: C/weli Gaas oo joojiyay ka qeybgalka shirkii Madasha ee Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland uu ka baxay shirkii Madasha Qaran.

C/weli Gaas ayaa la sheegay inuu joojiyay ka qeybgalka shirkii Madasha Qaran, iyadoo laga waayay fadhiyadii ugu danbeeyay ee Madasha.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii la isku maandhaafay Aqalka Sare iyo xubno laga siiyo Gobolka Banaadir iyo xubnihii hore looga soo jaray Somaliland oo dacwad ka daba timid. Waxaana tallaabada C/weli Gaas ay ka timid kadib markii ay madaxda madasha u bateen in la laalo Aqalka Sare.

Ad

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa balanqaad siiyay C/weli Gaas inaan la laali doonin Aqalka Sare oo arrintu ay tahay in laga gudbo muranka, waxaana culeysku saaran yahay Puntland, iyadoo ay socoto waanwaan.

Ka bixitaanka C/weli Gaas ee shirka Madasha ayaan ahay sida wararku sheegayaan mid kama danbeys ah laakiin wuxuu diiday ka qeybgalka fadhiyada socda ee Madasha isagoo ka cabanaya qaabka shirku u socdo iyo isbedelka ay doonayaan in lagu sameeyo heshiisyo ay madasha hore u gaartay.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON