Tuesday, September 10, 2024

Cumar Filish oo xilalkii ka qaaday Afar Guddoomiye degmo iyo xilal la magacaabay (Akhriso)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xilalkii gudodomiye ka qaaday afar ka mida guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wareegto goor dhoweyd kasoo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa xilalkii looga qaaday, Guddoomiyeyaasha degmooyinka kala ah:

1- Guddoomiyaha degmada Xamar Weyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir.
Waxaa kusime Guddoomiye loo magacaabay Maxamed Axmed Iidow oo ahaa ku-xigeenka dhinaca Amniga.

Ad

2- Guddoomiyaha Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud (Kaaraan).
Waxaa kusime ahaan xilka usii heynaya Deeq Xasan Sheekow oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amnig

3- Guddoomiyaha degmada Waabari Cabdicasiis Cismaan Jaamac.
Waxaa kusime ahaan xilka usii heynaya Jamaal ali Maxamed oo ahaa ku xigeenka Amniga.

4- Iyo Guddoomiyihii degmada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle,
Waxaana xilka Guddoomiyaha degmadaas loo magacaabay Mire Salaad Dhuxulow.

- Advertisement -

Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in isbedelkan loo sameeyay sidii loo dardargelin lahaa adeegyada degmooyinka Gobolka Banaadir sida Amniga & nadaafad xumo iyo dardargelin adeegyada bulshada.

Waaberi, Xamarweyne ayaa ka mida degmooyinka ugu nadaafadda xun magaalada Muqdisho, halka Karaan iyo Heliwaa ay safka hore ugu jiraan degmooyinka ugu liita ee xagga nabadgelyada darrada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON