Baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle ayaa goor dhoweyd doortay Guddoomiye cusub, kadib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar.
Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle waxaa ku tartamay: Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir), waxaan sidii la filayey ku guuleystay Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji oo helay 77 cod, halka Maxamed Maxamuud Ibraahim (Goodir) uu helay: 21 co (Hala cod ayaa hallaabay).
Waxaa natiijada ku dhawaaqay guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Hirshabelle, iyadoo ay khudbado ka jeediyeen labada musahrax ee tartamay.
