Degaano ka mida Soomaaliya iyo dalal dhowr ah oo muslim ah ayuu maanta u bilowday Soonka Bisha Ramadaan, iyadoo shalay inta badan laga soomay dunida Islaamka.
Puntland iyo degaanada ay ka taliso Alshabaab ayuu maanta oo Talaado ah 12-ka Maarso 2024 u bilowday Ramadaanka, halka dalalka carabta ee maanta ay u tahay maalinta koowaad ee Ramadaanka ay ka mid yihiin: Cumaan, Jordan, Marocco iyo Libya.
Sidoo kale waxay bisha barakeysan maanta u bilaabatay dalalka: Iran, Malaysia, Indonesia, Thailand iyo Singapore oo isniintii ku dhawaaqay inay Talaadadda u tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.
Sanad kasta dalalka islaamka ayaa kala sooma maalmo isku xigta, iyadoo inta badan dunida islaamka iy Jaaliyadaha ku nool dalalka dibadda ay raacaan Sacuudiga oo Soonkiisu soo degdego.