Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dowladda Somaaliya ay Gaadiidka aanay rasaasta karin diyaarad ku geysay Galabta garoonka Degmada Doolow.
Gawaarida aanay Xabdadu ee dowladdu geysay degmada Doolow ayaa garoonka waxaa ku sugnaa oo guddooay Taliyaha Howlgalinta Jubbooyinka Bakaal Kooke Taliyaha Ciidamada NISA ee Degmadaasi Cabdulaahi Cumar iyo Gudoomiyaha Degmada Dolow Cali faarax Mire.
Lama sheegin cidda Gawaaridan loo wado iyo mas’uuliyiinta adeegsan doonta, laakiin waxay Gobolka gaareen xilli la hadal hayo in wasiirkii Amniga Jubbaland uu heshiis la galay dowladdda Federaalka.


