Sunday, November 10, 2024

Dawlada Somaliya oo Odayaasha iyo Dadka Caabudwaaq ku Amartay inay soo celiyaan Hubkii ay furteen

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay arrinta Hub ka yimid dalka Itoobiya oo maleeshiyada degaanka Caabudwaaq ay dagaal uga furteen ciidamo ka tirsan NISA oo galbainayey.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Soomalaiya ayaa lagu sheegay in Hay’adaha Amniga ay maalintii shalay oo ay taarkiihdu aheyd 15 ka July gacanta ku dhigeen hub ay kooxo ka ganacsada hubka sharci darada kasoo galiyeen dhinaca Ethiopia ee ku beegan Gobalka Galguduud, kadibna ay jidgooyo u dhigeen maleeshiyaad hubaysan, taasoo sababtay in Hubka qaar ka mid ah uu gacanta u galo maleeshiyaadkaas.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ka xuntahay Falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen Maleeshiyaadkaas wadada u galay Ciidanka Qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda Qaran, waxaana ka go’an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dawladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah. Dawlada Federalka ah waxay odayaasha dhaqanka iyo shacabka deegaanka faraysaa in ay Hay’adaha Amniga kala shaqeeyaan hawlgalada soo celinta hubkaas”. ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha.

Ad

Warka kasoo baxay dowladda Federaalka ma sheegin cidda hubkaas lahayd ama uu ku socday, sidoo kale faahfahin kama bixin noocyada hubka iyo qeybta gacanta u gashay maleeshiyada degaanka, taasoo su’aalo badan ka taagan yihiin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON