Saturday, April 26, 2025

Darawal Mooto Bajaaj oo toogasho lagu dilay Magaalada Muqdisho & xiisad ka dhalatay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in  Askari ka tirsan Ciidamaa dowladda hoose ee Minishiibiyada uu toogasho ku dilay Darawal Mooto Bajaajle ah.

Dilkan  ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in rasaasta uu furay askariga ay qeybta sare ka haleeshay, waxaana ka soo gaaray dhaawac aad u culus, kaasoo keenay inuu dhaawacaasi u geeriyooday.

Falkan ayaa qeyb ka ah dilal joogto ah oo ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya, siiba kuwa minishiibiyada iyadoo Mootooyinka lagu qabsado canshuur ay dowladda hoose ka qaado oo qaarkood la baxsadaan.

Ad

Askarga dilka geystay iyo darawalka ayaa la sheegay inuu muran dhex maray, kadibna uu askariga rasaasta furay.  Wadayaasha Mooto Bajaajta ayaa ku doodaya in askariga uu qaladka lahaa, waxaana qaar ka mid ah dhalinyarada Mootada ku shaqeysata ay halkaasi ka dhigeeen banaanbax kooban oo falkan ay uga soo horjeedaan.

Askariga falka dilka ah geystay ayaa la sheegay inuu baxsaday, balse ciidamada ammaanka ay raadinayaan si ay gacanta ugu soo dhigaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON