Tuesday, May 21, 2024

Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay Magaalada Muqdisho & Askarigii ka danbeeyay oo..

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in darawal Mooto Bajaaj lagu dilay Isgoyska Howlwadaag ee u dhow suuqa Bakaaraha, caasimadda Muqdisho.

Darawalka la dilay ayaa la sheegay inuu muran dhex maray askari ka tirsan ciidamada Booliska, iyadoo markii dambe uu askariga rasaas ku furay darawalka oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Axmed Cosoble, kaasoo goobta ku geeriyooday, waxaana baxsaday askarigii falkaasi geystay.

Wararka ayaa sheegaya in darawalka la dilay uu dhowaan ka yimid dalka K/Afrika oo uu ganacsade ahaa, isagoo dib ugu soo laabtay Muqdisho, kuna shaqo bilaabay Mooto Bajaaj.

Ad

Askarta dowladda ayaa si joogto ah u dila darawallada Mooto Bajaajta oo si xad dhaaf ah ugu soo batay caasimadda, iyadoo inta badan askartaasi aan sharciga la hor keenin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON