Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirasn ciidamada milateriga oo ilaalo u ahaa xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabelle uu toogasho ku dilay Darawal Mooto Bajaaj oo ku sugnaa degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir.
Falka dilka Darawalka Mooto-bajaajta ayaa ka dhacay Isgoyska Afar-Irdoodka ee suuqa Xamar Weyne, waxayna wararku sheegayaan in Askariga dilka geystay ay gacanta ku dhigeen ciidamada Booliiska ee ku sugnaa goobta uu falka ka dhacay, waxaana lagu xiray saldhigga Booliska Xamarweyne.
Dilka ayaa imaanaya iyadoo maanta dil toogasho ay lagu xukumay askari Boolis ahaa oo Muqdisho ku dilay darawal Mooto Bajaaj, waxaana muuqata in farriintaasi aanay weli gaarin ciidamada dowladda.