Wednesday, May 14, 2025

Darawal Mooto-Bajaaj oo lagu dilay Bannaanbax Muqdisho iyo bannaanbax ka socda..

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Askari ka tirsan ciidamada dowladda uu saakay toogasho ku dilay Darawal Mooto Bajaaj, taasoo dhalisay bannaabax caro wata.

Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, waxaana dilka kadib goobta isugu soo baxay dhalinyarro Mooto Bajaajley ah iyo dadweyne, halkaasi ka dhigay bannaanbax rabshado wata oo ay uga cabanayaan dilka lagu hayo.

Meydka darawalka ayaa goobta yaallay, waxaana bilowday bannaabax ay dadka isu soo baxay iyo darawallada Mooto Bajaajta dhigayaan, iyagoo xiray wadadda muhiimka ah ee Wadnaha, isla markaana gubanaya shaagag iyo waxyaabo kale.

Ad

Askarta halkaas ku sugan ayaa rasaas ku riday si ay u kala kaxeeyaan dadka bannaanbaxa dhigaya, taasoo uga sii dartay bannaanbaxa. Waxayna Darawallada Moot Bajaajta ku doodayaan in canshuur siiyaan dowladda, haddana askarta ay mar kasta dilaan.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana sii kordhaya bannaabaxa socda, iyadoo wadadda xiran ay muhiim u tahay ganacsiga suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana arrintan ay qeyb ka tahay dilalka joogtada ah ee askarta dowlada kula kacaan Darawaliinta Mooto Bajaajta.

Isgoyska Howlwadaag ayuu sanadkii 2108 ka dhacay bannaabax weyn oo ka dhashay dilka Darawal Moto Bajaaj iyo qof la socday, taasoo keentay wadooyin badan loo furo Mooto Bajaajta, markii ay kacdoon weyn uga hor yimaadeen maamulkii markaas jiray ee dowladda Farmaajo.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON