Safiirkii is-casilay ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Boqotooyada Sacuudiga ayaa maanta xilkii wareejiyey, sida uu ku sheegay qoraal uu faafiyay.
Danjire Saalim Xaaji ayaa xikii safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga ku wareejiyay sii-haya xilka. “Waxaan xilka safaarada ku wareejiyey Mudane Abshir Warsame..” ayuu yiri Safiir Saalim.
Wuxuu u mahad celiay dhammaan jaaliyada Somaaliyeed ee ku nool Sacuudiga, howlwadeenada Safaarada, Qunsuliyada Guud Jeddah, iyo munduubiyada OIC sidi ay ula shaqeeyeen mudadii aan ku sugnaa Sacuudiga.
Safiirka ayaa isu casilay, markii uu aqbali waayay hab dhaqanka haweeneyda ah hab-maamuuska Madaxweynaha, wuxuuna qoraalka is-casilaadiisa ku baahiyey Baraha Bulshada.