Waxaa goor dhow bilowday inay dalalkii ugu horeeyay ee islaamka ay shaaciyeen Ciidul Fitriga iyo xilliga ay ku beegan tahay, iyadoo maanta ay inta badan dalalka Islaamka u ahayd 29-ka Ramadaan.
Dalalka xiligan ay habeenka u noqontay ee ilaa 3 saacadood iyo in ka badan ka horeeya Geeska Afrika ayaa ku dhawaaqay xilliga Ciida. Dalka Indonesia (4 saac ayuu ka horeeyaa Somalia) ayaa goor dhoweyd shaaciyey in Ciidul fitriga uu ku beegan yahay Khamiista 13-ka May, iyadoo Berri oo Arbaco la soomi doono 30-ka Bisha Soonka.
Guddiga Dowladda Indonesia ayaa sheegay inaysan jirin meel laga arkay Bishii Shawaal, sidaas darteed la dhammeystirayo 30-ka Ramadaan, Khamiistuna ay noqon doonto maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga.
Dalka Maleysia ayaa sidoo kale shaaciyey in Ciidul Fitriga ay ku beegan tahay Khamiista 13-ka May, kadib markii aan la helin bishii Shawaal .
Turkiga ayaa sidoo kale shaaciyey dhowaan inay berri tahay maalin Soon oo Ciidul fitriga ku beegan tahay maalinta Khamiista 13-ka May 2021.
Dhinaca kale Golaha ay leeyihiin Imaamyada Muslimiinta ee dalka Australia iyo Golaha Muslimiinta dalka Singapore ayaa shaaciyey in ciidul fitriga sanadkan loo dabaaldegi doono Khamiista 13-ka May 2021, markii caawa la arki waayey.
Muslimiinta dalka Philipine ayaa sidoo kale shaaciyey in la waayey Bishii Shawaal oo ay dhammeystirayaan 30-ka Ramadaan, ciiduna ku beegan tahay Khamiista.
Waxaa la sugayaa dalalka waaweyn ee islaamka sida Sacuudiga oo warar hordhac ah sheegayaan in la arki waayay Bishii Shawaal. Hay’adda Xiddigiska Hawada ayaa shaacisay in Galabta maqribnimada la arki karin bisha Shawaal, taasoo ay ugu wacan tahay inay dhaceyso ka hor qoraxda oo aanay la xiriirsan, iyadoo saadaalisay in Khamiista dunida islaamka wada ciidi doonto.
HALKAN KA AKHRISO WARARKII UGU DABEEYAY EE BISHA 1442H
