Thursday, April 24, 2025

Dalalka Islaamka ee maanta laga sooman yahay iyo Dowladaha Berri Ramadaanka bilaabaya

Dalal badan oo Islaam ah ayaa maanta bilaabay Soonka Bisha Ramadaan, kadib markii ay xalay sheegeen inay arkeen Bishii Ramadaan, qaar kalena ay ku raaceen Boqortooyada Sacuudiga.

Dalalka Carabta ee ku dhawaaqay in maanta oo Sabti ah 2 April 2022 ay u bilaabatay Bisha barakeysan ee Ramadaan ee sanadkan 1443-ka Hijriyada waxaa ugu horeeya dalka Sacuudiga.

Maxkadda Sare ee dalkaasi ayaa Xalay ku dhawaaqday inay maanta bilaabatay bisha Ramadaan, kaddib markii ay sheegeen in la xaqiijiyey in la arkay bisha Ramadaan.

Ad

Dalalka Imaaraadka Carabta, Qatar, Kuwait, Masar, Falastiin, Suudaan, Liibiya, Syria, Qeyta Sunniga ee Ciraaq, Suniyiinta Lubnaan, Suudaan, Tunis, Algeria, Yemen (dhinaca taabacsan Xuuthiyiinta) ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inay maanta u tahay Ramadaan.

Dalalka kale ee Maanta Ramadaanku u bilowday waxaa ka mida Turkiga, Bosnia iyo Herzegovina.

Dalalka Saldanada Cumaan iyo Urdun oo ka mid dalalka Carabta ayaa shaaciyey inaan la arkin Bishii Ramadaan, sidaas awgeedna Sabtida la dhamaystiri doono bisha Shacbaan, isla markaana berri oo Axad ah ay u bilaabanayso bisha barakaysan.

- Advertisement -

Dalalka kale ee Axaddda bilaabaya Soonka Bisha Ramadaan waxaa ka mida Indonesia, Brunei, Malaysia, Iiran iyo dalal kale.

Sanadkan ayey bisha Ramadaan kusoo beegantay iyadoo inta badan dalalka caalamka Islaamka laga qaaday xayiraadii ka timid cudurka saf-marka ah ee Carona, waxaana billowday in noloshii caadiga ahayd ay ku soo noqoto xaaladdii hore oo la furo Masaajidda xirnaa Ramadaankii hore.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON