Waxaa magaalada Addis ababa ka dhacay shir ay yeesheen Guddi ay leeyihiin Wadamada Ciidamada ciidamada iyo Booliska ka joogaan Soomaaliya (AMISOM).
Shirka waxaa ka eyb galay Danjireyaasha Taliyayaasha Ciidamada Difaaca iyo Taliyayaasha Booliska dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone iyo Uganda, iyadoo ay ka qeyb galeen AMISOM, waxaana guddoomiye Danjire Bankole Adeoye, Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga.
Shirka oo ahaa kii 32-aad ee heer Safiirada iyo Taliyayaasha Ciidamada Difaaca / Taliyayaasha Booliska waxay dib u xaqiijiyeen inay cambaareynayaan go’aankii muddo kordhinta Baarlamaanka ee 12 April iyo saxiixii qaraarkaasi ee Madaxweynaha13ka Abriil 2021.
Dalalka Ciidamada AMISOM iyo Booliska ka joogaan Soomaaliya ayaa sii xaqiijiyey Heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 uu yahay dariiqa loo maro wada-xaajoodyada ku saabsan qaababka doorashooyinka ee Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo ka-qayb-galkeeda oo ah hannaan ay Soomaaliya leedahay oo ay maamusho Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah, Xisbiyada mucaaradka iyo bulshada rayidka ah.
Waxay isku raaceen Xilligan tallaabada ay tahay qaado AMISOM si looga hortago inuu qarxo dagaal gacan ka hadal ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho iyo meelaha ka baxsan – iyada oo la hubinayo in goobaha AMISOM la ilaaliyo lana sugo Amniga.
Kulamadan ayaa waxaa lagu muujiyey xaalada iminka kajirta Soomaaliya inay tahay mid walwal leh oo marba marka kasii dambeysa kasii dareysa, waxayna ku celceliyeen baaqyo ah in la qaado kalsooni iyo talaabooyin dhisida kalsoonida iyo dib u soo celinta wada hadal sal balaaran oo loo dhan yahay si loo helo is afgarad ku aadan wadada loo marayo.
Waxay soo dhaweyeen Hadalkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ee 27kii Abriil 2021 ee ku saabsanaa inuu diyaar u yahay inuu ku laabto Aqalka Hoose ee Baarlamaanka si go’aannadii 12 Febraayo dib loogu celiyo, iyo inuu sidoo kale ugu noqdo heshiiskii 17 Sebtember 2020 aasaaska u ah doorashooyinka.
Waxay caddeeyeen in AMISOM ay ka fogaato ku lug yeelashada siyaasadda Soomaaliya, laakiin ay ahaato mid dhexdhexaad ka ah dhinacyada iyo dhinacyada siyaasadda ee kala duwan, si ay gacan uga geysato in Muqdisho noqoto meel nabdoon oo ciidamada ka caagan.
Waxay soo dhaweeyeen baaqii 993 ee Midowga Afrika oo ahaa in si deg deg ah loo magacaabo loona diro ergey sare oo ah ergeyga gaarka ah ee arimaha Soomaaliya, iyadoo taageero laga helayo wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa AMISOM Sidaas awgeed.
Ugu dambeyntii Waxay dalalka Ciidamada ka joogaan Soomaaliya isku raaceen inay sii wadaan inay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee soo if-baxaya ee Soomaaliya, iyadoo dib u soo celinta farsamo ay ku sameeyeen Guddiga Midowga Afrika.
