Dalal dhowr ah oo islaam ah ayaa dadkooda ugu baaqay in maalinta Khamiista la baadi goobo dhalashada bisha Shawaal (Soonfur) iyadoo laga yaabo in Jimcaha ay ku noqoto maalinta koowaad ee Ciidul fitriga.
Dalalka Khaliijka sida Qatar, Sacuudiga iyo Kuwait ayaa dadkooda u jeediyay codsi ah inay maalinta Khamiista maqribnimada raadiyaan dhalashada bisha iyadoo maalintaasi ay ku beegan tahay 29-ka bisha Ramadaan ee sanadkan 1429 H / 2018.
Dowladda Kenya oo qeyb ka mida dadkeeda ay muslimiin yihiin ayaa ku dhawaaqday in maalinta Jimcaha ay tahay fasax Qaran si dadka muslimiinta ah ee dalkaasi loogu sahlo inay u damaashaadaan ciidul fitriga.
Sida la wada filayo maalinta koowaad ee Ciida ayaa loo badinayaa inay noqoto Jicmaha 15-ka bishan June, iyadoo bishii hore ee Shacbaan ay noqotay 30 maalmood.
Ciidaha ku beegma maalinta Jinmaha ayaa keena in marka la tukado salaadda Ciida aan la tukan ama la iska dhaafo salaadii Jimcaha, waxayna noqoneysaa laba munaasabadood oo Jimce iyo Ciid ah oo isku beegmay.