Tuesday, February 18, 2025

Dal Afrikaan ah oo Somaliya u soo diray in ka badan 100 Askari oo Boolis ah iyo Halka la geynayo

Dalka Ghana ayaa magaalada Muqdisho usoo daabulay ciidamo cusub oo Boolis ah, kuwaasi oo ka mid noqon doona howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Cutub ka kooban 113 askari ayaa toddobaadkan kasoo degay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka socday qeybta Booliska ee FPU, waxaana la sheegay inay u bilaaban doonto shaqo hal sano ah, isla markaana ay gacan ka geysan doonaan Amniga Doorashada iyo dhismaha iyo tayeynta ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Ciidamada iyo saraakiisha Booliska cusub ee ka socda dalka Ghana ayaa ku biiraya 47-sarkaal oo horudhac u ahaa, kuwaasoo horay dalka hore u soo gaaray, waxayna guud ahaan gaarayaan 160-askari oo ka howlgali doona magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Ad

Saraakiishan ayaa markii ay soo gaareen Muqdisho waxaa soo dhaweeyay Taliyaha Booliska AMISOM, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska (AIGP) Augustine Magnus Kailie, iyo xubno sare oo ka tirsan Kooxda Hoggaanka Booliska AMISOM.

Taliyaha Booliska oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in saraakiishan ay ku soo aadeen xilli xasaasi ah oo dalka Soomaaliya ay ka dhacayaan doorashooyin, wuxuuna kula dardaarmay in ay kaalin weyn ka qaataan sugidda amniga doorashooyinka socda, isla markaana ay si hufan ugu adeegaan howlaha loo igmaday.

Kani waa ciidankii labaad ee FPU-da ah oo Ghana la geeyo, si ay uga hoos shaqeeyaan AMISOM. Waxay beddeleen ciidankii ugu horreeyay, kuwaas oo socdaalkooda shaqo uu dhammaaday.

- Advertisement -

Waxa uu sidoo kale ku wargeliyay saraakiisha booliiska in ay sidoo kale ku lug yeelan karaan qaar ka mid ah waajibaadyada booliiska, sida waajibaadka ilaalinta ee muhiimka ah iyo meelaha nugul ee meelaha ay ka taliyaan.

Dalalka Booliska AMISOM ka qeyb qaata waxaa ka mida; Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON