Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa amar ku siisay qaar ka mida shirkadaha xawaaladaha Soomaalida inay nidaamkooda ka saaraan magaca Somaliland.
Qoraal kasoo baxay Wasiirka Ganacsiga Jibril Cabdirashiid Xaaji ayaa lagu amray shirkadaha kala ah: Dahabshiil, Jubba Express, Paysii iyo qaar kale inay ilaaliyaan Gobannimada iyo wadajirka geyiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ku cad Qodobka 1aad, faqraddiisa 5aad ee Dastuurka ku meelgaarka ah.
“Xawaaladaha iyo shirkadaha kale oo ay wargelintaani ku socoto waxaa la farayaa in ay joojiyaan xadgudubka lidka ku ah gobannimada iyo wadajirka geyiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isla markaana ka saaraan mareegaha iyo hababka kala duwan oo ay ku bixiyaan adeegyada maaliyadeed magaca “Somaliland” kuna koobaan keliya magaca “Soomaaliya” marka ay tilmaamayaan dalka Soomaaliya ugu dambeyn 1da Sebtember 2024″. ayaa lagu yiri qoraalka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga.
Dhinaca kale waxaa lagu amaray Shirkadaha wadashaqeynta la leh shirkad kasta oo ku kacda xadgudub lid ku ah gobannimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay ku wargeliyaan fulinta amarkaan.
Waxaa loogu hanjabay Xawaalad iyo shirkad kasta oo aan u hoggaansamin amarkaan in loo tixgelin doono in si bareer ah ugu xadgudbayso gobannimada iyo wadajir Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana lala tiigsan doonoa shuruucda dalka u yaalla.