Friday, March 14, 2025

Dagaalkii ugu cuslaa oo dhex maray Ciidamada dalalka Turkiga & Syria (5 askari oo Turkiga laga dilay & Jawaab..)

Dagaalkii ugu cuslaa ee dhex mara ciidamada Turkiga iyo Syria ayaa maanta ka dhacay Gobolka Idlib kadib markii duqeyn ay ciidamada Syria ku qaadeen xarumo ah ciidamada Turkiga leeyihin lagu dilay 5 askari oo Turki ah, laguna dhaawacay shan kale, sida ay sheegtay wasaaradda Difaaca Turkiga.

Duqeyntan ayaa lala beegsaday xarun ilaalo oo ay ciidamada Turkiga ku leeyihiin Gobolka Idlib, taasoo keentay in Turkiga uu jawaab culus ka bixiyo, isagoo duqeyn xoog leh ku qaaday saldhigyada ciidamada Syria, waxana wasaaradda difaaca Turkiga sheegtay inay beegsaday 115 xarumood oo ciidamada Syria leeyihiin, gaar ahaan Garoonka Tavtanz.

Turkiga ayaa sheegay in 101 askari oo ciidamada Syria in lagu dilay weerarrada jawaab celinta ahaa, iyadoo lagu burburiyey 3 Taangi iyo laba xarumood oo madaafiicda Goobta ay yaallaan. Waxaana helikobtarrada Turkiga lagu arkay xuduudka labada dal.

Ad

Xaaladda ayaa si weyn u kacsan iyadoo duqeynta ay is dhaafsadeen labada dhinac ayaa ah kuwii ugu adkaa ee laba dowladooda dhex mara, wuxuuna kusoo beegmay iyadoo uu shir u socdo wakiilo ka kala socda Ruushka iyo Turkiga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON