Sunday, January 26, 2025

Dagaalka Guriceel: Ahlu-suna oo Jilibka aasatay iyo Madaafiic ay dalbadeen ciidamada Dowladda

Natiijada Malintii saddexaad dagaalka magaalada Guriceel ku dhex maraya ciidamada Galmudug/Dowladda Federaalka iyo Kooxda Ahlu Suna

Natiijada dagaalka maalintii saddexaad ka socda Guriceel ayaa kusoo dhammaatay inaan guul weyn laga gaarin goobaha la isku hor fadhiyey ee ay ku dagaala,ayaan ciidamada dowladda iyo Ahlu suna.

Wararka laga helayo Guriceel ayaa sheegaya in dagaalkii maanta oo u badnaa Madaafiic iyo Boobayaasha culus iyo iska hor imaadyo kooban oo toos u gabalku ugu dhacay iyadoo aan dhinacna gaarin horumar weyn, halka ciidmaada dowladda iyo Galmudug ay sheegeen inay degaano iyo ka qabsadeen Ahlu suna.

Ad

Ciidamada dowladda ayaa sheegtay inay qabsadeen, kuna durkeen aagga Ibsitaalka Istarliin, Dabaqa Erkole iyo degaanka Gaban oo aad isugu dhow, halkaasoo ay hore ugu sugnaayeen Ahlu suna, laakiin wararka ayaa sheegaya in horumarkaasi uu yahay inay noqdeen goobo rasaastu ka socoto.

Horumarka ay maalintii 3aad gaareen ciidamada Galmudug iyo kuwa Dowldda Federaalka ayaa kala ah: Inay qabsadeen Gaari tikniko ah oo Qori Dhashiike ah uuu saaran yahay, inay qabteen Qori B-10 oo Ahlu Suna lahayd iyo inay gacanta ku dhigeen Gaari nooca Probox ah oo siday 4 nin dhaawac oo ka tirsan ciidanka Ahlu Sunna.

Saraakiisha ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa dalbaday Madaafiicda waaweyn ee Hoobiyeyaasha iyo Qoryaha Duleeliyeyaasha ah dhismeyaaha adag loo adeegsado si ay ugu isticmaalaan Dhufeysyada waaweyn ee laga saari la’ yahay Ahlu-sunada ku jira aagga Jaamacadda, waxaana la sheegay in degdeg loo gaarsiinayo Hubkaasi, qaarna loo rarray maanta oo laga qaaday Muqdisho.

- Advertisement -

Ciidamada Ahlu suna ayaa ka dagaalamaya aagga Jaamacadda iyo degaanada ku dhow, halkaas oo ay ku adkaatay ciidamada dowladda inay foodda geliyaan, waxaana dagaalku oo berri galay maalinta afraad la filayaa inuu sii adkaado.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON