Madaxweyne ku-xigeenka iyo ku-simaha xolka Madaxweynaha Puntland Axmed Karaash ayaa sii kordhiyey dagaalka siyaasdeed ee uu kula jiro Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo hadda ah musharax u tagaan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Axmed Karaash oo muddooyinkii danbe waday loolan awoodeed oo uu doonayo inuu xilka ugala wareego Siciid Deni ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii ugu awoodda badnaa maamulka Puntland ee ugu dhowaa Madaxweyne Siciid Deni oo kala ah wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Maaliyadda.
Siciid Deni ayaa hore waxba kama jiraan uga dhigay wareegto uu Karaash ku magacaabay 20 mas’uul oo u badan agaasimeyaal, laakiin tallaabada ugu danbeysay ayaan weli wax war ah kasoo bixin, waxaana lagu soo beegay xilli olole doorasho oo culus Deni ku wajahayo caasimadda Muqdisho.
Inkastoo uu khilaaf hoose u dhaceeyay Deni iyo Axmed Karaash, haddana ololaha Madxweyne ku-xigeenka ka wado Puntland ayey ilo xogogaal ah sheegen inay ku lug leedahay kooxda Farmaajo oo dooneysa in la dhaawaco ololaha musharaxnimo ee Siciid Deni oo ay u aragto caddowgooda koowaad.
Sciiid Deni ayaa ku qasban inuu iska indha tiro dagaalka Axmed Karaash kula jiro ee dhinac wareenka ah, si uu xoogga u saaro ololaha Doorashada, laakiin wuxuu herdanka siyaasadeed ee kala dhaxeeya ku xigeenkiisa ka dhigayaa muhsarax aan dhinacna oo fayoobeyn oo la mida dagaalka Farmaajo iyo Rooble ee heybadii dowladnimo ka qaaday Musharaxa aan weli shaacin go’aankiisa Maxamed Farmaajo.
Siciid Deni ayaa si cad u sheegay in ujeedka ugu weyn ee uu isu sharxay xilka madaxweynaha uu yahay in dalka laga badbaadiyo Farmaajo iyo inuu mar kale kusoo laabto Villa Somaliya.
