Tuesday, September 10, 2024

Dagaaladii ugu cuslaa oo duleedka Beledweyne ku dhex maray ciidamada Itoobiya iyo Alshabaab

Dagaal qaraar oo u dhaxeeyay ciidama AMISOM ee ka socda Itoobiya iyo kooxda Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay duleedka Bari ee magaalada Beledweyn, iyadoo dagaalka ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo marki danbe ay ka qeyb qaateen diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya nooca helikobtarrada.

Dagaal

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray ciidamado howlgal ka waday inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Buuloburte, waxaana dagaalka oo ahaa kii ugu cuslaa ee labada dhinac dhex mara muddooyinkan uu geystaty khasaare baaxad leh oo aan oo labada dhinac kala gaatay.

Ad

AMISOM oo kaashanaya  kuwa dowladda Federaalka ayaa bilaabay dagaal cusub oo ay ku doonayaan in la isku furo wadada isku xirta Beledweyn iyo Buuloburte, jidkaas dheer u xiran Kooxda Alshabaab isla markaana ay go’doon ku jirto B/burte.

Saraakhiisha ciidamada dowladda oo warramay warbaahinta gudaha ayaa sheegay  inay ka soo dhaqaaqeen magaalada B/weyne, ayna la wareegeen degaano dhowr ah iyagoo markaas ay ku sugnaayeen Tuulada Nuur-fanax oo 40 KM u jira magaalada B/weyne waxayna ku sii jeedaan magaalada labaad ee gobolka Hiiraan B/weyne.

Ciidamada Itoobiya ayaa la dareemayaa inay si weyn u xoojiyeen weerarada ay ku hayaan kooxda Alshabaab ee goboladda dhexe oo dagaal joogto ah ay dhex marayaan muddooyinkii ugu danbeeyay.

- Advertisement -

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON