Monday, February 17, 2025

Dagaaladii ugu cuslaa muddo Sanad ah oo lagu qaaday Alshabaab-ka ku sugan Galgaduud

Toddobaadkan waxaa Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ka dhacay dagaalo culus oo qasaare weyn lagu gaarsiiyay Alshabaab, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay kadib weerarkii Cows-weyne oo dagaallo culus lagu qaado Shabaabka.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa degaanka ayaa howlgal ku dilay in ka badan 50 Alshabaab ah, kadib weerar ay si wadajir ah u sameeyeen Ciidamada Dowladda iyo Dadka Deegaanka, waxaana gacan ka geystay Saaxiibada Caalamka.

Isbedelka weyn ee dagaalka Alshabaab xilligan kusoo kordhay ayaa ah in ciidamada dhulka iyo duqeynta hawada ay ay isla socotay oo xiriirkoodu ahaa mid aad uga dhow sidii hore, taasoo keentay in qasaare xoog leh uu gaaro maleeshiyadii Alshabaab.

Ad

Dagaaladan ayaa ka dhacay degaanka Dhabaqle ee u dhaxeeya Masagaway iyo Cawsweyne ee gobalka Galgaduud, waxayna warbaahinta dowladda sheegtay in dagaalkaasi lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad Shabaab ah.

Waxaa la baahiyay meydad badan oo Alshabaab laga dilay, waxaana halkaas shalay gaaray Taliyaha Ciidamada Dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo kormeeray deegaanada Waniile iyo Dhagaxyaale ee gobolka Galgaduud.

Dagaaladii ugu danbeeyay ee ciidamada dowladda kuwa Alshabaab ku qaadeen Mesegowaay waxay imaanayaan iyadoo ay hakadeen howlgalladii ka dhanka ahaa Alshabaab wixii ka danbeeyay dagaalkii Cowsweyne ee sanadkii hore dib u dhaca kasoo wajahay ciidamada dowladda.

- Advertisement -

Alshabaab ayaa si kooban uga hadashay dagaalka ka dhacay Bariga Galgaduud, waxay xustay inay askar badan uga dishay ciidamada dowladda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON