Sunday, April 27, 2025

Dagaal Warbaahin oo ka dhex Qarxay Xisbiga Sheekh Shariif iyo Wasiirada Dowladda Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta qarxiyay dagaal warbaahineed, kadib shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay, kaasoo uu ku weerarray hoggaanka dowladda Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Musuqmaasuq iyo Boobka Hantida dowladda, wuxuuna taageeray dooda ah in madaxda dowladda ay Qaadka qeyb ka yihiin, isagoo ciidamada ku sheegay inay kala daateen oo aanay jirin Guuto dagaalami karta. (Halkan ka akhriso)

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ka daba qaatay Sheekh Shariif ayaa qabtay shir jaraa’id oo degdega isagoo farriin jawaab ah u diray Madaxweynihii hore.

Ad

“Ciidankeenow ma mudnidiin wax walba oo kasoo yeera qof wax-ma-garato ah, qof dareenka ninka furinta jooga aan la socon.. waxaan farriin u dirayaa Siyaasiyiinta waayadan danbe caadeystay inay ku ceebeeyaan ciidanka xoogga dalka”.” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa soo jeediyay inaan ciidamada la siyaasadeyn oo mucaaradnimo laga radin. “Waxaan suuragal ahayn inaan dowlad ku hoos noolaano, kadibna iyagoo khawaarij hor fadhiya la caayo, la aflagaadeeyo..” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo si toos ah ugu jawaabay Sheekh Shariif.

Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga xukuumadda Federaalka Jibril C/rashid Xaaji ayaa qoraal jawaab u ah Sheekh Shariif ku yiri: “Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oraahda uu yiri ee dhiiri gelineysa Qawaarijta ee ah Ciidamada Qaranku malaha hal guuto oo dagaalami karta, waxay gef weyn iyo meel ka dhac ku tahay ciidamada Qaranka ee naftood hurayaasha ah… Waxa aan kula talin lahaa Sheekh Shariif inuu raali galin buuxda ka bixiyo gefka iyo meel ka dhaca uu u geystey Ciidanka Qaranka”.

- Advertisement -

Saacado kadib waxaa xarunta Xisbiga Sheekh Shariif ee Muqdisho shir jaraa’id kale ku qabtay xildhibaanno ka mida xisbiga oo weerar ku qaaday Wasiirka Gaashaandhigga, iyagoo ku eedeeyay musuq iyo inaan weli wax natiijo ah laga gaarin Saadkii laga leexsaday ciidamada dowladda.

Xildhibaan Yuusuf Gama’diid oo ah Xog-hayaha Xisbiga Himilo ee Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay wasiirka Gaashaandhigga inuu khaladaad badan ka galay dowladda, isla markaana uu macaash ugu dhex jiro ciidamada iyo dowladda oo dagaallo badan uu fashiliyay ciidamada.

Xildhibaanka ayaa Wasiir Jaamac weerar shaqsi ah ku qaaday, isagoo difaacay eedii uu Sheekh Shariif u jeediyay maamulka ciidamada dowladda iyo hoggaanka dowladda hadda jirta.

Weerarka dhinac warbaahinta ee Mucaaradka ay hoggaamiyaan madaxweynayaashii hore ayaa sii xoogeystay muddooyinkii danbe, waxayna hadda wasiirada xukuumadda bilaabeen inay u jawaab siyaasiyiinta, taasoo keentay in la dhex galay dagaal la isku weerarrayo Warbaahinta iyo Baraha Bulshada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON