Sunday, January 26, 2025

Dagaal maalintii labaad ka socda Guriceel iyo Farmaajo oo Ciidamo Gurmad ah u diray Dhuusamareeb

Waxaa Maalintii labaad ka socd magaalada Guriceel dagaal u dhaxeeya ciidamada Galmudug oo garabsanaya milatariga dowladda Federaalka iyo Kooxda Ahlu suna. Waxaana Dhuusamareeb gaaraya diyaarado ciidamo gudmad ah iyo saanad sida.

Dagaalka saaka ayaa ka socda dhinaca Koonfurta magaalada, siiba aagga Jaamacadda oo ay shalay galab dib u qabsadeen magaalada Guriceel, waxaana saraakiisha Galmudug ay sheegeen inay saaka qabteen maxaabiis ka tirsan Ahlu suna.

Waxaa la soo bandhigay maxaabiista la qabtay qaarkood oo gaaraya 7 iyo qof dhaawac ah, waxaana ay ka mid yihiin ilaa 30 maxaabiis ah oo ciidmada Galmudug ay sheegeen inay dagaalllada ku qabteen ilaa shalay.

Ad

Dadka magaalada Guriceel ku haray ayaa loogu baaqay inay dibadda usoo bixin, una dhowaanin aagagga dagaalka, waxaana sidaasi warbaahinta u sheegaya Gudoomiye Kuxigeenka Amniga Guriceel Cabdishakuur Axmed Faarax oo caddeeyay in howlgal degdega uu ka socod Guriceel.

Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa go’aansaday inay dagaalka sii xoojiyaan waxaana ciidamo hor leh oo gurmad ah loo diray maanta maagaalada Dhuusamareeb.

Ciidamo ka kooban Haramcad iyo Gorgor ayey diyaaarado ka dejinayaan maanta Garoonka magaalada Dhuusaamareeb, iyadoo gurmad xoog leh ay dirtay dowladda Federaalka, si loo soo af jaro dagaalka kooxda Ahlu suna ee Guriceel.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON