Wednesday, February 19, 2025

Dagaal Koox Alshabaab ah iyo Ciidamada Amniga ku dhex maray magaalada Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa iska hor imaad ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo dhex maray ciidamada Amniga iyo Rag hubeysan oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Alshabaab.

Dagaalka oo daqiiqado socday ayaa xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, wuxuuna bilowday markii dablay AlShabaab ka tirsan ay weerar ku qaadeen fariisin ciidan oo ciidamada Booliska ku lahaayeen Baar Jowhar.

Rasaas xoog leh iyo Qaraxyo ayaa laga maqlay xaafadaha u dhow Suuqa Xoolaha, waxaana lasoo sheegay in iska hor imaadka uu dhaliyay qasaare kala duwan, iyado kooxdii weerarka soo qaaday ay goobta ka baxsadeen.

Ad

Ciidamada Amniga ayaan weli la hadlin weerarka saaka ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha, laakiin dadka degaanka ayaa sheegay inay dagaalka uu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii Dadka degan xaafadaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON