Tuesday, December 3, 2024

Dagaal ka socda Gobolka Sh/hoose iyo Wararkii ugu danbeeyay Qasaaraha uu geystay

Dagaal culus ayaa ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Alshabaab ku dhex maraya gobolka Sh/hoose, iyadoo qasaare xoog leh uu ka dhashay dagaalka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay inay dagaalladu ka dhaceen degaanada Jilib Marko ee duleedka magaalada Marko iyo degaanka Gendershe oo ay isku fara saareen labada dhinac, waxayna sheegteen saraakiisha ciidamada dowladda inay kui dileen in ka badan 10 ka mida Alshabab.

Dagaalka ayaa qeyb ka ah weerarro ciidamada dowladda ku qaadeen fariisimo ay Alshabaab ku leeyihiin degaano ku xeeran magaalada Marko, waxaana qaarkood la wareegay ciidamada dowladda.

Ad

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegtay in Ciidamada Dowladda ay dagaalka ku dileen ku dhawaad 10 ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ka dib dagaal ka dhacay degaanka Gendershe, wuxuuna Gudoomiyaha Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre sheegay in dagaalku ahaa mid culus.

Ciidamada dowlada ayaa hore u sheegtay inay degaanka Jilib Marko ku dileen saraakiil Ajnabi ah oo ka tirsan Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON