Wednesday, February 19, 2025

Dagaal ka qarxay Is-maamul ka mida Itoobiya iyo Xaalad degdega oo lagu dhawaaqay

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa xaalad degdega ku dhawaaqday, kadib markii ay sii xoogeysteen iska hor-imaadyada rabshadaha wata ee u dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo maleeshiyada Qowmiyada Amxaarada.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay inay noqotay lagama maarmaan inay ku dhawaaqaan xaalad deg deg ah, markii ay soo baxday xaalad adagy in dhaq-dhaqaaqyo sharci darro ah Gobolka Amxaarada si sharciga loogu xakameeyo.

Dagaallada ka socda gobolka Amxaara ee u dhaxeeya ciidamada Dowladda Itoobiya iyo maleeshiyada degaanka ayaa kasii daray toddobaadyadii hore, taasoo keentay in dowlado shisheeye ay soo saaraan diginin socdaal, halka diyaaradda qaranka ee Ethiopian Airlines ay joojisay duulimaadyadii gobolka Amxaarada.

Ad

Xiisadda ayaa sii kaceysay tan iyo bishi April markii ay dowladda federaalka ku dhowaaqday inay burburineyso ciidamo goboleedyada, oo ay ku jiraan kuwa gobolka Amxaara, halkaasi oo dadka u dhashay ay u arkeen tallaabo wiiqeysa gobolka labaad ee ugu dadka badan Ethiopia.

Khamiistii, mas’uuliyiinta gobolka Amxaara ayaa weydiistay dowladda federaalka inay ka caawiso xakameynta amniga ayada oo xaaladda ay noqotay “mid aad u adag in la maareeyo” ayna horseedeyso carqalad bulsho iyo mid dhaqaale.

Dowladda ayaa sheegtay in rabshadaha “ay halis geliyeen nidaamka dastuuriga ah” islamarkaana go’aanka loogu dhowaaqay xaalad deg deg ah uu ahaa “mid loo dhan yahay.”

- Advertisement -

Ciidamada gobolka Amxaara iyo malayshiyada deegaanka ayaa taageerayey ciidamada federaalka labadii sano ee dagaalka ay kula jireen fallaagada Tigrayga, illaa heshiis nabadeed la saxiixay November 22, taasi oo ka caraysiisay qoomiyadda Amxaarada.

Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in go’aanka lagu kala dirayo ciidamo goboleedyada, laguna biirinayo ciidamada qaranka ama booliska gobolka, ay xoojin doonto “midnimada” qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON