Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta maamullka Hirshabelle ayaa sheeaya in dagaal xoog leh ka dhacay gudaha magaalada Jowhar.
Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo la magac baxay Macaawisley oo degaaka ah, iyadoo rasaas xoog leh isku weydaarsaday gudaha magaalada go’doonsan ee fatahaadu saameysay.
Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadkan uu yimid kadib xarig loo geystay taliyihii maleeshiyaadka Macaawisleyda degaanka oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Macallin (Dufaarow) iyo afar ka mid ah askartiisa, kuwaas oo xabsiga la dhigay kadib markii la’isku qabtay lacago Baad ah ay ka qaadanayeen Gaadiidka.
Koox ka tirsan macaawisleyda ayaa isku dayey xoog ku sii daayaan taliyahooda iyo ragga la xiran, markii ay weerar ku qaadeen xarunta magaalada Jowhar, taasoo dhalisay dagaalka.
Xaaladda ayaa kacsan, waxaana ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda ay iska caabinayaan weerarka uga yimid kooxdan, waxaana weli socda dagaalka oo saameyn ku yeeshay magaalada.
LA SOCO WIXII KUSOO KORDHA…
