Wararka laga helayo degaanka Kabsuuma Ee Gobolka Jubbadda hoose ayaa sheegaya inuu dagaal ku dhex maray laba kooxood oo ka wada tirsan Xarakada Al-shabaab, iyadoo khilaafka u dhaxeeya xarakada uu isu bedelayo gacan ka hadal.
Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu bilowday shalay gelinkii danbe oo muddo laba jeer ahna ay labada dhinac dagaalameen iyadoo dagaalku yimid kadib markii koox taabacsan Daacish ay is urursadeen kana baxeen degaanka Kabsuuma.
Kooxda kale oo Alshabaab ka tirsan ayaa ka hor tegay oo weerar ku qaaday kooxda Daacish taageertay, waxaana dagaalka oo qasaaro badan dhaliyay la soo weriyay inuu hakaday saaka markii labada dhinac siku riiqdeen.
Khilaafka soo kala dhex galay l-shabaab ee ku saabsan in kooxdu ku biirto Daacish ayaa ka sii daraya iyadoo dhowaan markii ugu horeysay Afhayeenka kooxda Sheekh Cali Maxamuud Raage uu ka digay kooxaha doonaya inay wiiqaan midnimada Xarakada, kuna goodiyay inay gacan bir ah ku qaban doonaan.
Goobjooge.com