Ciidamada dalalka Turkiga iyo Syria ayaa dagaal ku dhex maray Gobolka Idlib ee dalka Syria, kadib markii ay halkaasi tageen ciidamada Turkiga oo sheegay inay ka hortgayaan dagaaladda ka socda Gobolka.
Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa shaacisay in duqeyn culus oo ciidamada Syria ku qaadeen xarumaha ciidamada Turkiga lagu dilay 4 askari oo Turki, laguna dhaawacay 9 kale oo mid ka mida xaaladiisu culus tahay, waxayna intaas ku dartay inay jawaab ka bixiyeen weerarka ayna burburiyeen goobihii laga soo weeraray.
Duqeynta ciidamada Syria qaadeen ayaa timid iyadoo dagaal culus uu ka socdo Gobolka Idlib oo ah halka ugu danbeysa ee ciidamada falaagada Syria ay gacanta ku hayaan, waxaana ciidamo u diray Turkiga oo qasaarihii ug weynaa uu kasoo gaaray duqeynta ay la beegsadeen ciidamada Syria.
Madaxweynaha Turkiga oo ku sii jeeday dalka Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Turkiga ay ka jawaabeen weerarkii ay kusoo qaadeen ciidamada Syria, ayna burburiyeen in ka badan 100 goobood oo ay leeyihiin ciidamadii Syria ee soo weeraray, iyagoo dilay ilaa 35 ka tirsan ciidamada Syria.
Wakaalada Wararka Syria ayaa sheegtay in Ciidamada Syria aysan wax qasaare ah kasoo gaarin duqeynta cidamada Turkiga.