Monday, February 10, 2025

Dagaal Culus oo ka socda Aag cusub oo ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu dagaal culus ka socdo degaanka Ceel-Hareeri oo ka tirsan degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa bilowday saaka, kadib markii ay maleeshiyada degaanka ee Goboka Hiiraan oo ay la socdaan ciidamada xooga dalka Soomaaliya ay weerar ku qaadene Saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen Degaanka Ceel-hareeri.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, markii laga war helay inay Maleeshiyada Alshabaab abaabul dagaal iyo is urursi halkaasi ka bilaabeen, waxaana dagaalka lasoo weriyay inuu yahay mid culus oo labada dhinacweli dhex maraya.
Ciidamo gurmad ayaa la sheegay in laga diray degmooyinka Maxaas iyo BuuloBurte, kuwaas oo qaarkood ay gaareen Goobta dagaalka, waxaana weli soo baxaya qasaaraha dagaalka cusub ka dhashay.

Alshabaab ayaa degaano badan ka jooga Gobolka Hiiraan, waxaana uu weli ka taliayaa degaanka Buqda oo ah xaruntiisa ugu weyn ee Gobolka, sidoo kale waxaa fariisin u ah degaano badan oo u dhaxeeya degmooyinka Gobolka Hiiraan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON