Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar culus oo Alshabaaba Saaka aroortii ku qaadeen degaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud, maamulka Galmudug.
Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo maleeshiyada Alshabaab ku ekeeyeen magaalada Baxdo oo ay doonayeen inay qabsadaan, waxaase la xaqiijiyey in dadka degaanka ay ka hortageen oo qasaare culus gaarsiiyeen.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi lagu dilay in ka badan 16 ka tirsan maleeshiyada Alshabaab, dibna loo celiyay, iyadoo qasaare weyn la gaarsiiyeen Alshabaab.
Warka soo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay inay weerar ka hortag ah ku qaadeen maleeshiyaad lagu abaabulayey degaanka Baxdo, waxayna qirteen inay dagaalkaasi looga dilay 9 maleeshiyo, balse ay dhinaca kale ka dileen 27 qof.
Alshabaab ayaa isla maanta sidoo kale weerar Hoobiyeyaal ah ku qaaday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.