Thursday, October 10, 2024

Dagaal culus oo Gobolka Bakool ku dhex maray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Alshabab

Wararrka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya inuu dagaal culus ka qarxay degaanka Booco ee degmda Rabdhuure, kadib markii ciidamo itoobiyaan oo kolonyo ahaan ugu socday degmada Waajid ay weerarreen dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Ciidamda Itoobiyaanka oo kasoo gudbay xuduudka ayaa ku socday degmada Waajid kahor inta aanay waddada u galin maleeshiyada Alshabaab, waxaana dagaal culus uu dhex marayaa labada dhinac.

Alshabaab ayaa sheegatay in weerarka ku dishay 167 askari oo Itoobiyaan ah, isla markaana ay qabteen maxaabiis badan oo ka tirsan ciidamada Itoobiyaanka.

Ad

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in dagaalku socday ilaa aroornimadii saaka, isla markaana uu geystay qasaare xoog leh, iyadoo aan la helin ilo madax bannaan oo xaqiijinaya qasaaraha dagaalka Gobolka Bakool.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON