Dagaal culus ayaa ka socda Isbitaaka ugu weyn Marinka Gaza ee Al-shifaa, kaasoo ciidamada Yuhuudda ay go’doomiyeen, isla markaana duqeyn ku hayaan gudaha iyo bannaanka isbitaalka ilaa shalay.
Dhaqaatiirta ku jirta isbitaalkaasi ayaa soo werinaya xaalad naxdin leh oo ku saabsan duqeyn ku socota Isbitaalka oo wajahaya xaaladii ugu darneyd, iyadoo duqeynta ku socotay ay keentay inay go’do Korontadii Isbitaalka oo ahayd Matooro dabka dhaliya.
Dhimasho iyo dhaawac ayaa gaaray dadkii ku jiray isbitaalka oo isugu jiray bukaano iyo dad qax agaan u joogay, waxaana dagaal culus uu ka socdaa agagaarka Isbitaalka, kaasoo dhex maraya dagaalyahanadda Xamaas iyo ciidamada Yuhuudda.
Arrinta ugu darran ee isbitaalka Shifaa heysata ayaa ah inay halkaasi ku geeriyoonayaan caruur ku jiray xaaladda baxnaaninta gaarka ah ee u baahan aaladaha a caawiya neefsashada iyo dadka ku jira xaaladda degdegga ah, kuwaas oo Koronto la’aan aan noolaan karin.
Sidoo kale waxaa saaka ku sugnaa gudaha isbitaalka ilaa 100 meyd ah. oou baahan in la aaso, balse saacado badan la awoodi waayey in dibadda looga saaro isbitaalka, waxaana sii xumaanaya xaaladda dhismaha weyn ee isbitaalka Al-shifa.
Taliska ciidamada Yuhuudda ayaa hore u sheegay in isbitaalka Alshifaa hoostiisa uu ku yaallo saldhigga weyn ee kooxda Xamaas, halkaasi ay ka ridaan gantaalaha ay ku weerarraan gudaha Israa’il, balse waxaa arrintaasi beenisay Xamaas.
Dagaalka Yuhuudda ku qaaday Marinka Gaza oo galay maalinta 36-aad ayaa waxaa lagu dilay ilaa 12000 Falastiiniyiin ah, iyadoo 30-kun oo kale ay ku dhaawacmeen.