Wednesday, November 29, 2023

Dagaal culus iyo Duqeyn ka dhacay Degaanka Cows-weyne iyo wararkii ugu danbeeyay..

Dagaal culus ayaa saaka ka dhacay degaanka Cows-wene ee Gobolka Galgaduud, kadib weerar ay maleeshiyada Alshabaab ku qaadeen halkaasi.

Ciidamada dowladda Federaalka oo dhowaan halkaasi qabsaday ayaa weerar kala kulmay maleeshiyada Al-shabaab, waxaana weerarka uu ku bilowday Qaraxyo is-miidaamin ah, kadib dagaal toos ah dhex maray laabda dhinac.

Degaanka Cowsweyne ayaa qiyaastii 20 kiilo mitir u jira degmada Ceel-dheer ee gobolka Galguduud, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in duqeyn cirka ah ay halkaasi ka fuliyeen diyaarado dagaal.

Ad

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ay fashiliyeen weerar ay saaka maleeshiyada Khawaarijta ah ku soo qaadeen degaanka Caws-Weyne, iyadoo ciidamada oo hayey weerarka ay jilibka u dhigeen Khawaarijta oo watay gawaari qaraxyo ku rakiban yihiin.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay inay cagta marisay saldhigii ciidamada ee Cowsweyne, isla markaana ay dib u qabsatay iyadoo ay kala firdhisay ciidamadii dowladda, qasaare badanna gaarsiisay, sida maxaabiis ay qabteen.

Ma jirto cid xaqiijisay qasaaraha dagaalka Cows-weyne ee ciidamada dowlada iyo Alshabaab dhex amray, balse dadka degaanak ayaa sheegaya in ciidamada dowladda markii dagaalku bilowday ay ka baxeen saldhigii degaankaasi ay ku lahaayeen

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON