Iska hor imaad ayaa maanta Ciidamada Masar iyo kuw Yuhuudda ku dhex maray xuduudka labad adal ee Marinka Gaza, kaasoo keenay in lagu dilo askari u dhashay dalka Masar.
Afhayeenka Ciidmda Milateriga Masar ayaa shaaciyay in askari ka mida ciidamadooda oo u xilsaarnaa amniga lagu dilay xuduudka Rafah ee Masar iyo Marinka Gaza, sidoo kale ciidamada Israa’iil ayaa xaqiijiyay inuu iska hor imaad ka dhacay xadka Masar.
Masar ayaa sheegtay inay bilowday si loo ogaado sababtii dhalisay dhacdadii toogashada ahayd ee ka dhacday xadka Rafah oo dhowaan ay qabsadeen ciidamada Yuhuudda ee dagaalka ka wada Gaza.
Idaacadda ciidamada Israel ayaa sheegtay dagaalka dhex maray ciidamada Masar iyo Yuhuudda inuu yimid markii ciidamada Masar ay rasaas ku fureen Gaari xamuul ah oo ay lahaayeen ciidamada Israel, kadibna ay ka jawaabeen, wax khasaare ahna aanu soo gaarin dhinacooda.
“Saacado ka hor waxaa xuduudka Masar ka dhacay toogasho, dib u eegis ayaa lagu hayaa, waxaana socda wada-hadallo lala yeelanayo Masaarida”. ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay ciidamada Israa’iil.