Dadweynaha xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa ku dhaqaaqay tallaabo ay ku bogaadiyeen Hay’adaha Amniga Dowladda, kadib markii ay gacanta ku dhigeen dabley hubeysan.
Dableyda la qabtay ayaa ka tirsanaa sida la sheegay kooxaha Alshabaab ee dadka khaarijiya, waxayna isku dayeen inay baxsadaan, kadib markii ay gaadmo ku dileen Askari ka tirsan Ciidamada dowladda, sida uu sheegay Afhayeenka ciidamada Booliska Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali Doodishe.
Dilka askariga ayaa Duhurnimadii shalay ka dhacay xaafadda Kaawada Kabasiini, Waaxda Nagayle ee degmada Kaaraan, waxaana dableyda eryaday dadweyne kasoo qabtay Waaxda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.
Sida uu sheegay afhayeenka Booliska, labadii dabley iyo hubkii ay wateen ayaa waxaa lagu wareejiyay ciidamada, waxaana la horgayn doonaa sharciga, arrintan oo ah tii ugu weyneyd oo dadweye qaarkood hubeysan yihiin ay ka daba tagaan dabeyley Alshabaab ah, gacantana kusoo dhigaan.
Dhowaan ayey ahayd markii Suuqa Bakaaraha dadweyne shacab ah ay qabteen nin Bistoolad ku hubeysnaa oo handaad iyo weerar ku qaaday Ganacsade, kaasoo loo gacan geliyay Hay’adaha Amniga.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa si weyn u bogaadiyay tallaabada aya qaadeen dadweynaha degmada Kaaraan, iyagoo ugu baaqay xaafadaha kale ee magaalada Muqdisho inay ku daydaan.
