Dadkii ugu badnaa ayaa lagu dilay colaad beeleed ka qaraxday Gobolka Galgaduud, taasoo dhex mareysa beelaha kasoo kala jeeda degaanada Xeraalka iyo Caabudwaaq ee Dir iyo Mareexaan.
Dagaalkan oo ahaa kii ugu xumaa ee dhowaanahan dhaca ayaa wararkii u dambeeyay sheegayaan in lagu dilay dad kor u dhaafaya 50 qof, halka ka badan yahay 60 kale, waxaana dadka dhintay ka mdida ciidamo ku howlanaa inay Kala dhex galaan labada beelood.
Dagaalka oo salka ku haya Dhul la isku heysto ayaa sii kululaaday labadii maalmood ee ugu danbeeyay, isagoo ka qarxay degaanada Laandheer iyo Qalanqale, waxaana dhaawacyadii ugu badnaa la geeyay isbitaallada Cadaado, Caabudwaaq iyo degaano kale.
Ciidamo ka socda Galmudug iyo dowladda Federaalka la sheegay inay la geeyay degaanada ay ku dagaalamayaan labada beelood, si ay u kala dhex galaan, waxaana Guddi wasiiro ah arrintan u magacaabay Madaxweynaha Galmudug.
Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka ayaa soo saartay baaq ku wajahan joojin colaadda ka taagan Gobolka Galgaduud, halka baaqyo nabadeed ay dirayaan mas’uuliyiin iyo odayaal.