Bannaabaxyadii ka dhacay magaalooyinka dalka Itoobiya ee looga horjeeday Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed ayaa la sheegay inay ku dhinteen 67 qof oo qaarkood lagu dilay rasaas.
Dadkan ayaa sida laga soo xigtay Guddoomiyaha Gobolka Oromada waxay ku dhinteen iska hor imaadyo dhex maray iyaga iyo ciidamada Dowladda, qaarkoodna, waxaana ka mida 5 askari oo ka mida ciidamada dalkaasi, iyadoo bannaanbaxyada ay dhigayaan taageerayaasha ninka Qurbe joogga ah ee caanka ah Jawar Mohamed oo Abiy Ahmed ku eedeeyay inuu ka qaatay ciidamo ilaalo u ahaa isla markaana Itoobiya ay ku socoto dariiqii hore.
Bannanbaxayaasha taageersan ninkan Oromada ah oo ay isku qowmiyad kasoo jeedaan Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalooyinka Addis ababa iyo magaalooyin badan, iyagoo xiray wadooyinka ayna is fara saareen ciidamada amniga.
Jawar Mohamed ayaa ku eedeeyya Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed inuu ka leexday isbedelkii uu balanqaaday, wuxuuna ku hanjabay inuu kacdoon ka ridi doono dalkaasi haddii aan lagu soo noqon wadaddii dimoqraadiyadda oo dadka la xiray xabsiyada laga sii deynin.