Wararka laga helayo Degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka degmada lagu arkay Meydadka Saddex qof oo la sheegay in lagala baxay xalay guryahooda, kadibna toogasho lagu dilay.
Saddexda qof oo mid ka mida ay haweeney ahayd, ayey sheegeen dadka degmada Beledxaawo in xalay lagu weeraray guryahooda oo koox dabley ah ay kala baxeen, kadibna toogteen, qaarkoodna la gowrcay, iyadoo xaaladda magaalada ay maanta tahay mid kacsan oo xiisad ka taagan tahay.
Dadka la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Cali Kaynaan oo qaabilsanaa waaxda maaliyadda degmada, Xuseen Shariif Cabdille oo ahaa Gudoomiye Waaxeed iyo Xabiibo Cabdiraxman Cali (Xaybo Ladan) oo ka mid aheyd Ururka Haweenka maamulka Jubbaland ee degmada Beledxaawo.
Ciidamada amniga howlgal ka bilaabay degmada B/xaawo, iyadoo aan lagu guuleysan in dableydii dilka geysatay lasoo qabto, waxaana sheegatay Alshabaab.