Waxaa soo baxaya in dad badan ay sanadkan ku dhinteen Xajka, kadib kuleyl darran oo Magaalada barakeysan ee Maka ka dhacay, waxaana baraha bulshada qabsaday dad raadinaya xujey ka maqan.
Tirad dadka ku dhintay Xajka sanadkan ayaa ku dho hadda 1000 qof, waxaana la soo weriyay in dadkaas oo u badan Masaari ay ku saamoobeen kuleydka Qoraxda heerkulku uu gaaray 51.8 darajo Celsius (125 Fahrenheit) magaalada Maka maalintii Isniinta oo ahayd maalintii labaad ee Ciidul-adxaa.
Tirada Dadka Masaarida ah ee ku dhintay Xajka ayaa gaartay ugu yaraan 600, sida ay shaacisay wakaalada wararka AFP oo soo xigtay ilo kala duwan. Wadarta guud ee dhimashada ilaa hadda la sheegay ayaa noqotay 922 Xaaji, waana tirokoob ay laga soo xigtay dalal kala duwan.
Masar oo ugu badan tirada dadka ilaa hadda Xajka sanadkan ku dhintay, waxaa kaloo la xaqiijiyay inay ku dhinteen dad kasoo kala jeeda dalalka: Jordan, Indonesia, Iran, Senegal, Tunisia iyo Kurdistanta Ciraaq.
Dowladda Sacuudiga ayaan bixin wax macluumaad ah oo ku saabsan dhimashada, inkastoo ay soo sheegtay in ka badan 2,700 xaaladood oo k dhashay “kuleyl” maalintii Axaddii.
Xajka sanadkii hore ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen in ka badan 200 oo xujey ah, kuwaas oo intooda badan u dhashay dalka Indonesia.