Wednesday, October 16, 2024

Dad ku dhintay Roobab Dabeylo wata oo ku dhuftay Berbera & Duufaan ku fool leh Xeebaha Seylac

Wararka laga helayo Degaanada Xeebta ee Somalilamd ayaa sheegay in Roobab dabaylo wata oo ka dhashay Duufaankii ku dhuftay xeebaha Badda Cas ay xalay saqdii dhexe soo gaareen magaalada Berbera ee Dekadda leh.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Berbera Axmed Cismaan Xasan, ayaa BBC-da u sheegay in hal qof ku dhintay guri ku dumay, isla markaana ay ka daadgureeyeen guryahoodii 950 qof oo haatan ku sugan dugisyada xaafadaha Berbera, kadib halis soo wajahday guryahooda.

Roobabka laxaadka leh oo Daadad ku soo rogay Dooxyada ayaa laga soo sheegay inay ka da’ayaan xeebaha Gobolkaasi, waxayna jareen wadada isku xirta magaalada Berbera iyo Bullaxaar.

Ad

Madaxa qaybta saadaasha hawada ee wasaaradda beeraha Somaliland Cabdiqani Yuusuf Cabdi oo uu Axmed Siciid Cige la hadlay ayaa sheegay in roobabkan dabaylaha wataa ay maanta gelinka danbe ku wajahanyihiin degaanada xeebta ee lughaya ilaa Saylac.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON