Madaafiic maanta lagu weerarray magaalada Marko ee xarunta Gobolka Sh/Hoose, xilli uu ku sugnaa Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa geystay qasaare.
Hoobiyeyaal laga soo riday duleedka magaalada Marko ayaa ku dhacay Gudaha magaalada xilli uu Ra’iisal wasaare Kheyre khudbad u jeedinayay dadweyne isugu soo baxay soo dhoweyntiisa, waxaana wararku sheegayaan in laba qof oo haween ah ay ku dhinteen Guri uu ku habsaday madfac ka mida kuwii magaalada lagu riday, iyadoo saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa soo gabagabeeyay socdaalkiisii magaalada Marko, wuxuuna isla Galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ammaankiisa sugayeen ciidamo fara badan oo la socday.
Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Marko ayaa sheegaya in hawada laga saaray isgaarsiinta magaaladaasi, kadib weerarkii madaafiicda ee Alshabaab ku duqeysay magaalada, iyadoo ciidamada la sheegay inay qorsheynayaan howlgallo lagu qaadayo Alshabaab.
Weerarka Alshabaab ku qaadeen magaalada Marko intii uu ku sugnaa Ra’iisal wasaaraha ayaa loo arkaa farriin cad oo ay u direen dowladda in tahay dhibaatadda ugu weyn ee hortaagan nabad ka dhacda Soomaaliya.