Qasaare culus ayaa ka dhashay Qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kaasoo loo adeegsaday gaari xamuul ah oo lasoo dhaamiyey.
Qaraxa oo ahaa kii ugu weynaa ee magaaladaasi ka dhacay waxaa ka dhashay burbur xoog leh iyo qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo weli la raadinayo dad lagu la’ yahay goobta qaraxa ka dhacay.
Guddoomiyaha Hiiraan C/llaahi Sufurow ayaa sheegay in Gaariga uu qarxay iyadoo laga hortegayo, isla markaana uu dhaliyay musiibo ay ku burbureen labadii xaafad ee Buunda koowaad iyo Horseed oo aysan jirin wax degaan ah oo ku haray.
Dadka dhintay ayaa ka badan 20, balse weli waxaa jira dad la raadinayo, iyadoo dhaawaca uu ku dhow yahay 50 kale. Qaraxa ayaa lagu tilmaamay Zoobihii Beledweyne, wuxuuna qaraxu qoday God weyn.
Mas’uuliyiin badan ayaa ka hadlay dhibaatada ka dhalatay qaraxa Beledweyne oo ah magaalada labaad ee Alshabaab la beegsaday Qaraxayda ugu badan, kadib caasimadda Muqdisho.
Alshabaab ayaan weli sheegan qaraxa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne, taasoo dhacda markii ay qaraxyadooda ku dhintaan shacab badan.